Daawo Video: Wararkii ugu dambeeyay kulammadii ka dhacay Degmada Baydhabo Janaay.

0
187

Madaxweynaha dowladda Somalia iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa habeenkii labaad ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyagoo maanta kulammo  la yeeshay ergooyin ka socday maamullaka Koonfurgalbeed.

Kulamadan oo ka dhacay xerada 60-aad ee ciidamada xoogga dalka oo ku dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa ahaa kuwo ay albaabbadu u xirnaayeen, iyadoo ergooyinkii kulamada la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ay sheegeen inay ku afgarteen waxyaabihii ay kawada hadleen oo dhan.

Madaxtooyada KGS

Idale News Online, Baydhabo.