Shirkii saaka uga furmay hotel Manchester ee magaalada Baydhabo Madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo xubnihii uu hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Baay Shiine Macalin Nuurow ayaa ku soo idlaaday is afgarad iyo guul.
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Xubnahaan uu hogaaminayo Shiine Nuurow ayaa waxa ay isku afgarteen in si wada jir ah looga shaqeeyo midnimada Koonfur Galbeed.
Shiine Macalin Nuurow ayaa sheegay inuu garwaaqsaday rabitaanka shacaweynaha Koonfur Galbeed, sidaa darteedna wixii maanta ka danbeeyana uu la shaqeyn doono dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Ugu danbeyn Gudoomiye Shiine ayaa ugu baaqy Dowlada Muqdisho inay aqoonsato Dowlad Goboleedkan ku timid rabitaanka Shacabweynaha Koonfur Galbeed soomaaliya.