Daawo Shariif Xasan oo is-casilay kana haray DOORASHADA madaxweynaha K/Galbeed

0
279

Baydhabo  Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta sheegay inuu xilkaasi iska casilay.

Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November.

Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go’aanka, qaatay “isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed”

Muddada 10-ka maalmood ah ee ka harsan xilka Shariifka, ayaa waxaa xilka madaxweyne sii hayn doona guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Sida uu qoraalkiisa ku sheegay Shariif Xasan, guddoomiyaha baarlamanka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka wada shaqeyn doona qabashada doorashada.

Xubnihii guddiga doorashada ee is-casilay ayaa la filayaa in la beddelo, islamarkaana 10-ka maalmood ee soo aadan lagu diyaariyo doorashada, oo dhacaysa 17-ka November.

Lama yaqaan sababta rasmiga ah ee dhalisay isbeddel siyaasadeedka deg degga ah ee Shariifka uu ku dhawaaqay.

Go’aankii ayaa yimid laba maalin un kadib markii ay is-casileen 12 ka mid ah xubnaha guddiga doorashada, taasi oo jahwareer siyaasadeed ka abuurtay Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda.