Daawo Sawirro:Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo qaabilay wafdi caalami ah.

0
203

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha Dawladda Puntland Ing. Cabdi-xakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa xafiiskiisa saaka ku qaabilay madaxa hay’adda ILO ee Somalia PAUL CROOK.

Madaxweyne Camey iyo Mr PAUL ayaa ka wada hadlay mashaariicda kala duwan ee ay hay’adda ILO ka fuliso Puntland , kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhisida jidadka, taba barka shaqaalaha, dhisida kawaanada xoolaha lagu qalo, xirfad u samaynta dhalinyarada iyo mashaariic kale.

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Puntland Cabdi-xakiin Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ayaa hay’adda ILO ku amaanay mashaariicda ay Puntland ka fuliso, wuxuuna sidoo kale ku adkeeyey in kor loo qaado mashaariicda kala duwan ee ILO ay gacanta ku hayso.

Madaxa Hay’adda ILO ee Somalia Mr PAUL ayaa Madaxweyne ku xigeenka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee uu xafiiskiisa ugu qaabilay, wuxuuna sheegay in hay’adda ILO ay sii wadi doonto mashaariicda ay ka fuliso Puntland.

IMG_1889

IMG_1893

IMG_18761Idale News Online.