Istanbul(INO)-Laba nin, ayaa Xalay waxay isu qarxisay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Istanbul ee Wadanka Turkiga, iyadoona ay sababeen khasaaro dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba leh.
Saraakiisha Booliska Turkiga, ayaa waxay sheegeen in labadan nin is qarxisay, xilli ay si caadi ah u socotay hawlihii shaqo ee Garoonkaasi.
Ka hor intii aysan is qarxin raggan, ayaa waxaa la sheegay in bambooyinka gacanta laga tuuro ay ku tuureen Ciidanka Booliska ee ka hawlgala Garoonka, iyadoona ay Boolisku ku caabiyeen rasaas.
Warbaahinta Turkiga, ayaa tebisay in mid ka mid ah raggaasi uu isu qarxiyay qaybta gawaarida la dhigto ee Garoonka, waxaana loo maleynayaa in uu watay nooc ka mid ah qoryaha darandooriga u dhaca.
Waxaa la xaqiijiyay ugu yaraan dhimashada 28 qof iyo dhaawaca 60 kale, waxaana suurtagal ah in khasaaruhu uu ka bato tirada iminka la’ogyahay.
Shaqaalaha gaadiidka gurmadka deg-degga oo gaaray Garoonka, ayaa waxay ka daabulayaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.
Dhismaha Garoonka Magaalada Istanbul waxaa ka muuqanaya burbur wayn oo ka soo gaaray qaraxyada loo adeegsaday weerarkaasi.
Qaraxyadan, ayaa waxay hakad geliyeen gebi ahaanba hawlihii shaqo ee ka jiray Garoonka Ataturk, iyadoona ay laamaha ammaanku bilaabeen baaritaano ku aadan mintidiintii weerarka soo qaaday.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, balse Ururka Daacish iyo Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga (PKK), ayaa loo aaneeya in ay ka dambeeyan weerarada ka dhacaya dalkaasi.
Hoos ka Daawo Sawirada:-
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay