Baydhabo(INO)- Munaasabad lagu weynaynayay 56 guuradii ka soo wareegtay markii gobolada Koonfureed ay xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada Koonfur iyo Waqooyi oo ahayd 1-dii Luulyo sanadkii 1960-kii ayaa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xafladan ayaa waxa ka soo qeybgalay Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidanka DFS, kuwo KGS, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Baydhabo Ee Xarunta gobolka Bay iyo Saraakiisha Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee AMISOM.
Mas’uulyiintii ka qeygashay munaasabadan ayaa waxa ay ka hadleen qiimaha ay maalinta 1-da Luuliyo u leedahay ummada Soomaaliyeed taasoo ah maalintii ay gobolada Koofureed ka xoreebeen gumeysigii Talyaaniga iyo is raacii gobolada Waqoyi iyo gobolada Koofureed ee dalka.
Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa calanka la saaray saqdii dhexe iyadoo ay ciidamada xoogga dalka ay gaada ka ciyaar ku soo bandhigeen halka ay ka dhacaysay munaasabada.
Sidoo kale waxaa munaasabado iyo fantasiyo ay ka dhaceen Magaalooyinka Xudur, Marko iyo Afgooye ee gobolada Bakool iyo Shabellaha Hoose halkaa oo calanka lagu saaray xilli saq dhexe ah.
Halkan Ka Daawo Sawiro
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay