Daawo Sawiro:Al Shabaab oo soo bandhigay Magacyada iyo Sawirrada Kenyan ay dileen

0
726

Jilib ( INO)-Xarakada Al Shabaab ayaa shaacisay magacyada iyo Sawirada 2 Nin oo Kenyan kuwaas oo shalay Galab ku toogteen fagaaro ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Labada nin oo lagu kala Magacaabo Cabdullaahi Faraj iyo Jared Omambia ayaa Al Shabaab waxa ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Sirdoonka dowladaha Maraykanka, Ingiriska , Isra’il iyo Kenya, iyagoo u basaasi jiray hoggaamiyayaasha Sar sare ee Al Shabaab.

Cabdullaahi Faraj oo  22 jir ah kuna dhashay Magaalada Mombassa ee dalka Kenya ayaa Al Shabaab waxa ay sheegeen in uu fududeeyay dilka Hoggaamiyayaal ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab oo gudaha dalka Kenya lagu dilay.

Wadaada la sheegay in ninkaan dilkooda uu fududeeyay waxaa ka mid ah:-

Sheekh Abuud Roobow , Sheekh Samiir Khan , Sheekh Ibraahim Rogo iyo Sheekh Abuubakar Makaburi iyo weliba kuwa kale kuwaas oo Ciidamada Kenya ay toogteen.

Jared Omambia oo 31 sano jir ah kuna dhashay Magaalada Eldored ee dalka Kenya ayaa Al Shabaab waxa ay ku sheegeen in ay si dirsadeen sirdoonka dalka Kenya si uu u Basaaso dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Labada nin oo la sheegay in muddo ay xabsi ku yaalla degmadaasi Jilib ay ku jireen ayagoona ugu dambeyn Maxkamad Al Shabaab ay leeyihiin ay ku xukuntay xukunno dil ah waxaana lagu fuliyay gelinkii dambe ee shalay iyadoona ay ka qeyb galeen boqolaal qof oo muwaadiniin Kenyan ah ee ka bar bar dagaalama Xarakada Al Shabaab.

Isla shalay Gelinkii dambe waxa ay Al Shabaab dilal toogasho ah ku fuliyeen 4 Nin  kuwaas oo ay ku toogteen fagaaro ku yaallo deegaanka Buulo-Falaay ee ku yaalla soohdinta Gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay fududeeyeen weeraro Diyaaradaha Maraykanka ay ku dileen hoggaamiyayaal Al Shabaab ka tirsanaa oo uu ka mid yahay Hogaamiyihii hore Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubeyr.

13434294_1203549033031304_505525070_n13435748_1203548883031319_1536544315_n

Idale News Online Jilib