Daawo Sawiro: Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Oo Hada Ka Furmey Magaalada Baydhabo

0
913

Baydhabo(INO)-Shirka madaxda wadatashiga qaran ee magaalada Baydhabo ayaa Hada furmay waxaana horyaala in go’aano laga gaaro qodobo dhowr ah oo loo dhigay in lagu go’aamiyo shirka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Qodobada sida weyn looga dhowr sugayo in go’aan looga gaaro ayaa waxaa kamid ah ku dhawaaqida xiliga la qabanayo doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya oo horey loo sheegay in marnaba waqti dheeri ah aan lagu darsan doonin bisha Agoosto.

Waxaa muhiim ah in la shaaciyo xiliga ay dhaceyso doorashada afhayeenka baarlamaanka Prof. Jawaari iyo labadiisa ku xigeen, iyo in sidoo kale lagu dhawaaqo xiliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Arinta sida aadka loo hadal hayo ayaa ah maqaamka magaalada Muqdisho ay ku yeelaneyso xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, walow horey loo sheegay in la sameynayo gudi arimahaasi loo xilsaarayo.

Shirarkii hore ee madasha ayaa marar badan la isku qabtay qodobka qeexaya maqaamka gobolka Banaadir, mana jirto ilaa iyo gudigii la sheegay oo la dhisay iyo cid sii hadal.

Halkan Daawo Sawiro

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay