Xudur(INO)- Boqolaal Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Xuddur Ee Xarunta Gpbolka Bakool ayaa ka qeybgalay Isu soobax Roob doon oo maanta lagu qabtay Bartamaha magaalada.
Kagadaal markii Culimada ay dadka fareen Jimcihii lasoo dhaafay Sedex maalin in la soomo maalinta afaraadna laqabto Isu soobax lagu tukanayo Salaada Roob doonta.
Wxaana isugu soo baxay Qeybaha kala duwan ee Bulshada, Culimadii ka soo qeybgashay banaambaxaan lagu tukaday Salaada Roobdoonta ayaa dadka faray in ay Alle u towbad keenaan Sadaqana, ay bixiyaan khudbado dhowr ah Imaammada masaajidyada halkaasi ay ku jeediyeen.
Wariye Maxamed Xasan , Idale News Online, Xudur