Baydhabo(INO)-Safiirka dalka Sweden ufadhiya Soomaaliya, Mikaele Linva ayaa maanta soo gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Mikaele safiirka dalka Sweden ayaa waxaa garoonka Diyaaraha Ee Dr. Shaati kusoo dhaweeyey Mr. Vikram Parekh oo ah Madaxa Xafiiska Siyaasada QM Ee UNSOM Ee Baydhabo, Wasiirka Wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Dowalada Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Naasir Cabdi Caruush iyo Mas’uuliyiin Kale.
Soo dhaweyn ka ddib waxaa loo gudbiyey Madaxtooyada Koonfur Galbeed Ee Baydhabo, Halkaas oo uu Kulamo kula Yeeshey Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed xasan Fiqi iyo qaar ka mid ah Gollaha wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.