Baydhabo(INO)- Mashada Hogaamiyaasha Qaranka Ee ku Shirsan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta kullan La qaateen Xubno matalayay Haween Weynaha Qaranka Soomaaliyeed.
Waxyaabaha maanta shirka diiradda lagu saaray ayaa waxaa ka mid ah hannaanka doorashada 2016, guddiyada doorashada, maalgelinta iyo saadka doorashada, qoondada 30% ee haweenka ay ka helayaan goleyaasha qaranka, amniga iyo arrimo kale.
Waxaana kullanka laga sheegey Halgankiii ay Haweenka Soomaaliyeed u soo galeenka Xoriyada dalka sidoo kale waxaa la tilmaamey in Haweenka ay ahaayeen kuwii markii uu dhacay Dagaalka Sokeeye qayb ka qaatey in ay Nolosha Qoyska ay maareeyaan marka waxay Xaq u leeyihiin in ay helaan Xaquuqdooda.
Madaxweynaha Soomaaliya oo kullankaas ka hadley ayaa sheegey in haweeenka Soomaaliyeedka ay heli doonaan Saamiga Goliyaasha Dowlada Federalka Soomaaliya.
“Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah. Sidaa darteed waxa alagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaley’’, ayuu yiri Madaxweynaha oo maanta ka hadlay shirka.
Wakiilka QM ee Soomaaliya Michael Keating, oo shirkii maanta isna ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan horumarka ay sameeyeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda, isagoo ku dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada shacabka Soomaaliyeed ee ah in doorashooyin ay dalka ka dhacaan.
Kulankaasi kadib ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madaxda madasha iyo wakiillada beesha caalamka waxay kulan la yeesheen guddiga u qaabilsan qoondada haweenka ee matalaadda goleyaasha qaranka oo ay iska soo qaadeen xaqiijinta kuraasta ay haweenka helayaan doorashada dhaceysa sannadkan 2016-ka.
Halkan Ka Daawo Sawiro.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaa