Daawo Sawiro: Dood Cilmiyeed Loogu Doodey Doorashada Soomaaliya 2016 Oo Ka Dhacdey Baydhabo

0
517

Baydhabo(INO)- Dood cilmiyeed looga hadlaayey sida lagu heli karo doorasho Xur iyo xalaal ah oo Ka dhacda Dalka Soomaaliya oo uu soo qaban qaabiyey Uruka Somali advocacy Network  ayaa waxaa ay ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Waxaa ka soo qeybgalay mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, odayaaal dhaqmeedyo, Urarada Bulshada rayidka Ee Magaalada Baydhabo.

Waxaana goobta laysku weydaarsaday fekrado kala Gedisan oo laxiriirta sidii lagu heli laah doorasho xalaal ah oo Dalka ka dhacda Bisha Augest 2016  iyo doorka Urarada Bulshada ay ku leeyihiin.

Inkastoo horey loo shaaciyey in aan dalka kadhici doonin doorasho qof iyo cod ah ayaa hadana waxaa su’aalo layska weydiinayaa nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Sawiradda

01
03 04 0502
05Wariye Aadan Xasan Cismaan (Aadan Geesey),

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo

Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.