Dhageyso: Howlgalo Adag Oo Ka Dhan Ah Maleeshiyada Al-Shabaab Oo Socoda Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
486

Diinsoor(INO)- Ciidamada dowladda Koonfur Galbeed  Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo gaar ah waxa ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.

Saraakiisha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan ay yihiin kuwo ururka Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya iyo KGS ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si looga hortago falalka lidiga ku ah amaan darada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa ku wehliya howlgaladan ciidamada dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan.

Maamulka degmada Diinsoor ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay bur buriyeen Saldhigyo ay ururka Al-shabaab ku lahaayeen deegaanada howlgalka laga sameeyay.

Ciidamada dowladda  Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada AMISOM ee howlgalka ujooga Soomaaliya ayaa waxa ay gobolada dalka qaar ka wadaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Horey Dowlada Koonfur Galbeed ayaa waxay ay sheegday in ay diyaarisay ciidamo gaar ah oo isku fura wadada u dhaxeysa gobolada Bay iyo Bakool.

Halkan Ka Dhageyso

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.