Baydhabo(INO)- Madaxweynaka Koonfur Galbeed Sharif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta Boqolaal muslimiista Reer Baydhabo salaada Ciidul Adhxa kula tukaday Garoonka Dr. Ayuub Ayadoo maanta muslimiinta meel kastoo ay jooogaa u tahay maalin Ciid ah oo farxadeen.
Kumanaan dadweynaha iyo caruurta isugu jira ee reer Baydhabo oo ugu horeeyo Madaxweyne Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo goleyaashiisa kala duwan waxaa ay saaka u dareereen salaada ciidul Adhaxa oo ay ku tukadeen fagaaraha kubada cagta.
Guud ahaan goobta salaada ciida lagu tukanaayey Amaankeeda ay aad u adkeynayeen ciidamada Dowlada KGS iyo ciidamada AMISOM.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne shariif Xasan ayaa dadweynaha qudbad ku aadan hanbalyada ciida u diray dadka soomaaliyeed sidoo kale shacabka ugu baaqay in ay nabada ka shaqeeyaan.
Wariye Abshir Maxamed Nuur MANDELLA, Idale News Online Baydhabo