Daawo Sawiro: Dagaal Ooge Xasuuq Tartiib Tartiib Ah Ka Geystey Koonfurta Soomaaliya Oo Dib Ugu Soo Muuqanaya Siyaasada Dalka

0
997

Garowe(INO)- Kadib furitaankii kalfadhigii Barlmaaanka mamaulka 37 oo maanta kadhacday Magaalada Garoowe aya mar qura kasoo muuqday generaalka weyn ee Maxamed Saciid Moorgan oo siweyn uyaqanaan soomaalida.

Xog ay IdaleNews.com heshey ayaa sheegaya in Generaal Maxamed Saciid moorgan malamahan kusugnaa madaxtooyada Garoowe loogana yeeray magaalada Nairobi oo ku noolaa in mudo ah halkaasi.

Generaalka ayaa lasheegaya in oo kasoo muuqan doono dhawaan liiska Golaha wasiirada oo lafilaayo in madaxweyne Gaas isku shaadheeyo wallow warar kale oo aan hubin sheegayan in Generaalka oo kamid noqon rabo xildhibaanada cusub ee Barlamaanka soomaaliya soo geli doono sanadkaan sidaasina ku booqday degaanka asal ahaan kasoo jeedo ee Puntland.

Kadib dowladii dhexe Maxamed Siyaad Bare Generaalka wax xil ah kama aban dowladihii dalka soomaray wallow oo siweyn oga qeyb qaatay dagaaladii ahliga ahaa ee kadhacay Jubooyinka iyo waliba Gobolo kale oo dalka ah.

Dadka qaar ayaa siweyn udhaliisan Generaalk Moorgan madaama oo qeyb ka ahaa shaqsiyaadkii huriyay dagaaladii ahliga ahaa ee dalka soo maray blse sanadihii ugu danbeeyay kunolaa dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Isku soo sowada duub Madaxweyne Cabdi wali Gaas ayaa dhawaan qorsheynayaa sidii isku shaasheyn kusameyn lahaa golahiisa wasiirada ah wallow kasoo muuqnaan donaan shaqsiyaad cusub qaar kale lookala badali doono wasaaradahooda.

mgmg1

3-2

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.