Daawo Sawiradda:Ra’iisul Wasaare C/Wali Sheekh Axmed ‘Dadka Ku Dhaqan Gobolka Sh/Hoose Waa Dad Walaalo Ah Oo Waligoodba Wada Dagnaa Waa In Lasoo Celiyaa Xiriirka Walaalnimo .

0
285

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho labo maalin ah ku tagay gobolka Shabellaha hoose gaar ahaan degmada Marka Iyo Qoryooleey ayaa waxa uu halkaasi  kulamo kala duwan la qaatay  Mas’uuliyiinta degmada iyo odayaasha dhaqan degmada Marka isagoo ka dhagaystay warbixino ay usoo gudbiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa codsaday odayaasha  dhaqanka inay qeyb libaax leh ka qaataan arrimaha nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta gobolka iyo sidii la isugu soo dhoweyn lahaa  beelaha ku wada nool gobolka Shabellaha hoose.

“Dadka ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan degmada Marka waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay ku taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib-u-heshiisiinta gobol, degmo illaa tuulo.
“Marka laga hadlayo gobollada Soomaaliya gobolkan wuxuu kamid yahay goobaha ugu badan ee ay daganyihiin qabaa’illada Soomaaliyeed, intiina meesha fadhida waxaa la idinka doonayaa inaad dawladda gacan siisaan Ciidamadda qalabka sida ee gobolka jooga, sidoo kale aad ka caawisaan sidii dadka shacabka ah iyo Ciidamaddu xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed oo dhanka kale sheegay dhawaan wafdi ka socda Xukuumadda inuu soo gaaro doono gobolka Shabellaha hoose si wax looga qabto baahiyada kala duwan ee deegaanka ka jira, wuxuuna ka codsaday qaybaha bulshada inay dul-qaad muujiyaan.

Odayaasha dhaqanka degmada Marka ayaa gaba-gabadii u balan qaaday Ra’iisul Wasaaraha inay garab istaagayaan kana shaqeynayaan nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta dadka ku dhaqan degmada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose, si loo gaaro Soomaaliya oo xasiloon aayaheedana ka tashata kuna wada nool nabad iyo xasilooni.

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Axmed Baafo oo kulanka ka hadlay ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka iyo qaybihii bulshada ee kasoo qeyb galay Munaasabadda in loo soo jeesto dhanka wax soo saarka beeraha iyo khayraadka kale ee gobolku caanka ku yahay si deegaanka u gaaro hormar.
“Maanta waxaan ka hadlaynaa sidee lagu xalin karaa dhibaatooyinkii deegaanka ka dhacay waxaan jeclahay markaan bari soo laabto inaan ka wada xaajoon doono mustaqbalba wax soo-saarka gobolka oo runtii ah meelah ugu dhaqaalaha iyo quruxda badan Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Beeraha Soomaaliya.

29202122232425262728

.idale News Online