Daawo Sawiradda: Madaxweyne Xasan Sheekh & RW Saraakiil Turki Ah Ku Qaabilay Markab Dushiisa.

0
264

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed MAxamed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda  ayaa markab ay leeyihiin Ciidamada Badda  Dalka Turkiga oo Ku Soo Xirtay Dekeda Muqdisho kula Kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada badda ee dalkaasi iyagoo ku soo dhaweeyay dekeda Muqdisho, iyadoo maraakiibtaasi tiro ahaan ay ahaayeen 4 markab.

unnamed-1

Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo warbaahinta kula hadlay mid ka mid ah maraakiibtaasi  ayaa Xusay  inay sharaf weyn ay u tahay in ay ku soo dhoweyaan dalka maraakiibta badda Turkiga ee soo gaaray  dekedda Muqdisho, waxaana uu kormeeray mid ka mid ah maraakiibtaasi oo ay ku wada qadeeyeen.

unnamed-2 unnamed unnamed-1

“Waxaan ka mahadcelinayaa deeqda dawada ah oo ay ugu talo galeen isbitaalada magaalada Muqdisho ay maamulaan walaalaha Turkiga islamarkaana ay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed ay na soo gaarsiiyeen maraakiibtani, runtii aad baan idiin kaga mahad celinaynaa caawimaada dhabta aad na siineysaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan

unnamed-4 unnamed-3

Saraakiisha Turkiga ah ayaa madaxweynaha  warbixin ka siiyay socdaalkooda, iyagoo sheegay in socdaalkooda uu qeyb ka yahay safar ay ku marayaan wadamada Africa ee Xeebaha leh, Waxaana Safiirka Dowladda Turkiga Kamaaludiin oo halkaasi ka hadlay ayaa  ku amaanay madaxda dalka  howsha baaxada leh oo ay u hayaan Umadda Soomaaliyeed.

unnamed-8 unnamed-5

Saraakiishani oo uu hogaaminayo taliyaha Ciidamada Badda Dalka Turkiga Rear Admiral Ali Murat ayaa sidoo kale xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, iyagoo ka wada hadlay iskaashiga iyo calaaqaadka dhanka Ciidamada ah, waxaana taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo taliyaha Ciidanka Badda ay is weydaarsadeen hadiyado kale duwan, iyagoo dhanka kale wafdigaasi la kulmay wasiirka gaashaandhiga mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

unnamed-10 unnamed-9

Idale News Online, Muqdisho.