(DAAWO SAWIRADDA).Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia oo runta hor dhigay Madaxda Caalamka

0
204

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal ka jeediyay shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 54 dal iyo hay’ado caalamiga ah.

Madaxweynahu waxa uu yiri: “ Waxaa laga yaabaa in dadku is weydiiyo maxaa Soomaaliya waqtigan loo saacidayaa? Walow ay jiraan horumar baaxad leh, haddana weli waxaa taagan caqabado fara badan oo u baahan in laga saacido shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha oo tusaale u soo qaaday geed yar oo uu ku tallaalay madaxtooyada maalintii dhirta Soomaaliya ee 17-kii April ayaa sheegay “In geedkaas yar uu u baahan yahay in la waraabiyo oo laga celiyo cayayaanka dili kara inta uu ka baxayo oo uu geed weyn ka noqonayo.” Sidoo kale Soomaaliya waa geedkaas oo kale oo u baahan in si joogta ah looga warqabo inta uu ka xidideysanayo oo marka uu baxana ay dad badan ku raaxeysan doonaan, Soomaaliyana waa sidaas oo kale,” ayuu madaxweynahu sheegay.

Madaxweynaha ayaa caalamka u sheegay in dowladda uu hoggaaminayo ay tahay mid caalamku uu kalsooni ku qabi karo oo qorsheyaasha u degsan ee dhanka amniga, garsoorka iyo dib-u-habeynta maaliyadda ay keeni karaan inay shacabka Soomaaliyeed ka saaraan dhibkii soo socday muddo 22 sano ah oo shacabku ay helayaan horumar iyo barwaaqo.

Raysul wasaaraha Britain David Cameron ayaa ku ammaanay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo dowladda federaalka Soomaaliya horumarka baaxadda leh ee ay ka gaartay dhinacyo badan, isagoo sheegay inay weli jiraan caqabado fara badan oo u baahan in caalamku uu ka saacido Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu wadaa in maanta la soo gunaanado, iyadoo madaxweyne Xasan iyo David Cameron ay si wada jir ah u qaban doonaan shir jaraa’id.

DAAWO SAWIRADDA:-

9

6

7

1

2

3

7

8

Idale News Muqdisho