Daawo Sawiradda: Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo gacansatada Degmada Baydhabo la kulmay.

0
236

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiekh Cismaan Jawaari ayaa kulamo kala duwan saaka la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo gacansatada magaalada baydhabo.

Mr Jawaari ayaa kulamo la qaatay gacansata kuwooda ugu waawayn ee gobolka, ayaa waxa uu kala hadlay Hormarka Gobolka iyo taageerida dhismaha mamul goboleedka koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, kulanka uu gudoomiyaha la yeeshay bulshada iyo ganacsatada ku dhaqan magaalada baydhahabo ayaa waxaa markii danbe kusoo biiray Xildhibaano Hore leh oo ka tirsan barlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa mar uu saxaafada uga war bixinayay shirka uu la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ganacsatada gobolka uu kusoo gabagaboobay guul wax ku ool ah, isla maarkaasna wuxuu xusay in dhamaan kulamada uu kaga dhageesanayay Ganacsatada iyo bulshadda qaybeheeda kala duwan aragtiyooyinka ay qabaan.

Kulanka gudoomiyaha barlaamnka ayaa kusoo beegmaya , xili maanta uu safar kadis ah uu ku yimid raysalwasaaraha dawladda Soomaaliya Magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bakool.

DSCN0279 DSCN0267DSCN0294 DSCN0274 DSCN0285DSCN0287

Idale News Online, Baydhabo Janaay.