Daawo Sawiradda: Dhalanyaradda Beesha Hubeer Oo kulan Lagu Taagyeerayo KG soomaaliya Ku Qabtey Degaanka Haakow Ee Gobolka Shabellaha Hoose

0
230

Wanleweyne(INO)-Kulan aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Dhalin yarada Beesha hubeer  iyo Odayaasha Dhaqanka  ayaa lagu qabtay Degmada Wanle Wayn gaar ahaan Degaanka  Haakoow, Kullanka oo ahaa mid taageero loogu sameeyay Madaxweynaha Kuunfur galbeed Mudane Shariif Xasan Sheikh Adan.

Kullankan ayaa Waxaa loogu dalbaday Madaxweynaha koofur Galbeed in uu Dhalinyarada Beesha Hubeer uu tixgalin gaar ah siiyo islamarkaana Xubanaha ugu muhiimsan ku daro.

Beesha hubeer ayaa  ka mid ah Beellaha ugu tunka wayn ee dega Gobollada uu Maamulka Sadexda Gobol ka arimanayo, waxaa ayna dhalita beesha ku baaqayan in uu madaxweynaha dhalinyarada Beesha uu si gaar ah u texgaliyao islamarkaana uu maanka ku hayo in dhalinyarada ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan.

Ugu danbayntii Waxaa si nabad galyo ah kusoo dhamaatay Xafaladan Qiimaha leh ee lagu taageerayay Madaxweyne Shariiif Waxaana Dhalinyarada ay isku raacday in ay Hiil & Hoo la garab taagan yihiin maamulka Degmada Wanla Wayna si wayn loogu taageersan yahay.

IMG_8522IMG_8502Wakiilka Idale News Online Gobolada Banaadir & Shabellaha Hoose, Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

Email  asaddhayow@gmail.com