Daawo Sawiradda Caleemo Saarka Gudoonka Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed

0
206

Baydhabo(INO)- waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ka dhacday xaflad aad u qurux badan oo lagu caleemo saarayay gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Koonfur Galbeed iyo kuxigeenadiisa mudane Cabdulqaadishr Shariif Sheekhuna.

Xafladda oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin fara badan iyo odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa ay kusoo idlaaday jawi aad u qurux badan ayada oo si toos ah looga daawanayay hareeraha dunida.

Masuuliyiintii kasoo qaybgashay xafladda ayaa waxaa ka mid ahaa, madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha baarlamaaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wasiirka arimaha dibada Itoobiya Dr Tedros Adhanon, madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Cabulaahi Sheekh Cismaaciil Fartaag, gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ergayga gaarka ah ee IGAD Maxamed Cabdi Affey, qaar ka mid ah safiirada dowladaha caalamka u joogo Soomaaliya iyo weliba masuuliyiin ka socotay dowladaha daneeyo arimaha Soomaaliya iyo sidoo kale madaxweynaha martida loo ahaa ee dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo xubnaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online, Baydhabo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here