Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa gebi ahaan Maanta laxirey iyadoo banaanbax weyn lagu qabtey Fagaaraha Ayuub Stuidium , kaasoo loogu soo Horjeedo Baarlamaanka Maamulka Jubbaland , Taasoo ay qaldaneyd Xulista xubnaha Baarlamaanka Jubba land iyadoo hal qabiil ay sed bursi ku dhaqaaqeen , waa qabiilka uu ka dhashey Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubba land , banaan baxa ayaa lagu taageeray Mooshinka ay wadaan Xubnaha Baarlamaanka ee dowlada Federaalka ah.
Banaanbaxa ayaa waxaa kasoo qayb galey Dhamaan wasiirada Koonfur Galbeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo , waxaa kaloo goob joog ahaa Siyaasiyiin , waxgarad Qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka iyo Ganacsatada Magaalada.
Goobta Banaanbaxa ayaa waxaa ka hadley Siyaasi Maxamed Aadan Qalinle iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Xasan Ma’alin Biikole waxayna sheegeen in xulista Baarlamaanka maamulka jubba land uu yahay mid si Khaldan loo soo xuley , waayo Dadkka deegaanka ayaa laga tagey , Dad aan deegaanka ahayn xubno Badan ayaa laga siiyey , Masuuliiinta ka hadashey Banaanbaxaas ayaa waxay taageereen Mooshinka hada Socda.
Waxaa kaloo ka hadley Gudoomiyaha ururka haweenka Gobalka Bay Muraayo Mad Deer iyadoo sheegtey in Baarlamaanka Maamulka jubba land uu aheyn mid xalaal ah oo si cadaalo daro loo soo xuley , waxay kaloo sheegtey inay kasoo horjeedaan Go’aanka kasoo Baxay Beesha Caalamka oo lagu taageerayey Baarlamaanka maamulka Jubbaland
Halkan Ka Daawo























