Daawo Sawirada Qaraxii ka dhacey KM4 ee waxyeelada ba’an geystay

0
313

Warar is khilaafsan ayaa sheegaya in Qaraxan uu miino kaasi oo lala eegtay Gaariga halka Warar kalena ay tilmaamayaan in Qaraxa lagu soo xiray Gaariga Xoghayihii hore kadibna uu Qarxay.

Qaraxan ayaa waxuu Dilay Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle Cismaan iyo 4 ka mid ahaa Ilaaladiisa iyadooan Sidoo kale ay ku dhinteen 2 Ruux oo Shacab ahaa.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa isku gedaamay goobta waxaana ay bilaabeen baaritaano ballaaran oo ku aadan sugida amaanka kadib Qaraxa.

Qaraxan ayaa waxuu imaanayaa Iyadoo Saakay Qarax ceenkan oo kale uu ka dhacay Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho kadib markii Qarax lagu Xiray Gaariga lagu C/laahi Axmed Coonko oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

 

DSC_0026 DSC_0027 DSC_0028 DSC_0029 DSC_0030 DSC_0031 DSC_0032 DSC_0033 DSC_0034 DSC_0035 DSC_0037 DSC_0039 DSC_0041 DSC_0042 DSC_0043 DSC_0045 DSC_0047 DSC_0048 DSC_0049 DSC_0050