Baydhabo(INO)- Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), C/ladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawow Maxamed, ayaa ka mid noqday shan nin oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ay Sabtidii xukun dil ah ku xukuntay.
C/rashiid Ibraahim Xasan oo ah ninka shanaad ee xukunka dilka ah ay Maxkamaddu ku riday, ayaa ka maqnaa goobta Maxkamadaynta, balse Nabad Suggida Magaalada Baydhabo, ayaa ku raad joogta.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur (Shuute) oo xukunkan ku dhawaaqay, ayaa yiri “Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), C/ladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax, Sharmad Aawoow Maxamed iyo C/rashiid Ibraahim Xasan oo maqane ah ay yihiin dembiilayaal wada galay, dembiyadii lagu soo oogay, oo ah in ay abaabuleen fuliyeena labadii qarax ee ka dhacay goobtaan, 28-kii bishii 2-aad, 2016, waxayna ku wada xukuntay dil toogasho ah.”
Gudoomiyaha, ayaa sidoo kale saddex sano oo xabsi ciidan ah ku xukumay C/qaadir Cali Maxamed, halka uu amray in xabsiga laga sii daayo C/raxmaan Macalin Aadan Macalin C/raxmaan.
“C/qaadir Cali Maxamed waxay Maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xabsi ciidan ah. Sidoo kale Maxkamaddu waxay amraysaa in xabsiga si deg deg ah looga sii daayo C/raxmaan Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, kaas oo lagu waayay ku lug lahaanshaha eedda lagu soo oogay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Labada qarax ee ka dhacay Bartamaha Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa ku dhimatay 32 ruux, halka in ka badan 60 kalana ay ku dhaawacantay.
Nabad Suggida Baydhabo waxaa looga mahadceliyay jawaabta deg deg ah ee ay ka bixisay qaraxyadii khasaaraha badnaa sababay, ee dhammaadkii bishii hore ruxay Xarunta Gobolka Baay.
C/qaadir Cali Maxamed oo 3 sano lagu xukumay.
C/raxmaan Macalin Aadan Macalin C/raxmaan oo la sii daayay.
Idale News Online, Baydhabo