Safiirka Turkiga ee dalka Somalia Mr Kemaludin Turan ayaa booqasho qaadan doonta 3 cisho u tagey Somaliland, wafdiga Safiirka Turkiga oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Hargaysa, ayaa muddada uu joogo waxa uu kulamo la kala yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Somaliland iyo wasiiradiisa Arrimaha Dibada, Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga kuwaasoo ka wada hadli doona arrimo u badan siyaasada, maalgashiga, dhameystirka heshiisyadii 1aad iyo 2aad oo Somali iyo Somaliland horey ugu dhex marey dalka Turkiga
Dhanka kale, waxay dowlada Turkiga isku dayeysaa in ay isu soo dhaweyso Somalia iyo Somaliland oo wada hadalkoodu muqdi soo kala dhex galey iyadoo labada dhinac isku eedeeyey inuu jabiyey heshiisyadii horey u gaareen. Wasiirada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in jiritaanka Somalia uu qatar ku yahay nabadgelyo Somalia, halka Wasiirka arrimaha gudaha Somalia uu isna sheegay in Somaliland hadalo aan loo meel dayin iyo burburinta heshiisyadii hore loo gaarin ku howlan tahay.
Idale News Online