Daawo: Safiir Ku Xigeenka Safaaradda Jarmalka Ee Soomaaliya Oo Booqadey Xurunta Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Ee Baydhabo

0
206

Baydhabo(INO)-Waxaa Maanta Xarun Lagu Dhaqan Celinaayo Maleeshiyaad Ka Soo Goostey  Xoogaga Al-shabaab oo ku Yaalo magaaladd Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Booqasho ku tagdey Safiir Ku xigeenka Safaaradda Jarmalka Ee Dalka Soomaaliyta iyo Saarkiil Sar sare oo ka tirsan Xafiiska Safaaradaasi.

Wasiirka Hub ka dhisista, Dhaqan celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa ku wehelinaayey Booqashada maanta, isagoonaWasiirku Ugu Xog waramey qaabka Ay u shaqeyso Xarunta Lagu dhaqan celinaayo Maleeshiyaadka oo Sida La Sheegey ay Ka Soo Goosteen, Xoogaga Al-shabaab Ee Soomaaliya  Kuwaaso isugu jira Ragg iyo Dumar.

Safiir Ku Xigeenka Safaaradda Jarmalka Ee Dalka Soomaaliya ayaa Sheegey in Dowladda Jarmalka Qiib Weyn ay ka qaadan Doonto Xuntaasi isla markaana ay taagyeersan yihiin geeda Socodka Nabadda Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxa kale uu amaanay Shaqadda Wasaaradda Hub ka dhigita, Dhaqan Celinta iyo Tababaradda Maleeshiyaadka Ee KGS.

Halkan Ka Daawo:

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here