Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Ee KGS Oo Maalinta Khamiista Ku Dhawaaqeyso Maamulada Degmooyinka Afgooye iyo Marka Ee G/Sh/Hoose

0
317

Afgooye(INO)-Waxa lagu wadaa In maalinta  Khamiista Ugu dambeyn lagu dhawaaqo maamulada Degmooyinka Afgooye iyo Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

sata

Wararka naga soo Gaaraya Magaalada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya inay halkaas ku qulqulayaan Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada Dowlada Federaalka, mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Shabellaha Hoose iyo Wafuud kale iyadoo lagu wado in maalinta khamiista lagu dhawaaqo Maamulada Degmooyinka Afgooye iyo Marka.

Sidoo kale Degmada Af-gooye Ee Gobolka Shabellaha  Waxa  hadda Ku Sugan Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekkh Aadan Oo Gaarey Maalintii Shalley isagoona Goob Joog ka ahaan Doono Xafladda Lagu Magacaawayo Maamulada Degmooyinka Afgooye iyo Marka Oo Mudooyinkii Dambe ay ka taagneyd  Muran Badan, isla markaana dadka Degaanadaasi aysan ku Qanacsaneyn Habka Wasaaradda arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose ee KG Soomaaliya  Sida ay wax u wado.

Madaxweyaha Shariif Xasan Sheekh Aadan oo  horey u magacaawey Jagooyin badan  oo inta badan uu u qiibiyey Beelaha Hawiye Ee Wax dega Gobolka Shabellaha Hoose , isla markaana waxa Soo Baxayo dhaliilo ku aadan Arintaasi.

Halkan Ka Akhriso Magacyadda Liiska Uu Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Uu dhawaan ugu Magcaawey Ragg Jagooyin kala Gedisan Ee Gobolka Shabellaaha Hoose iyo Beelaha  ay Soo jeedaan.

  • Maxamuud Daahir Faarax “Qooley” (Habar Gidir, Hawiye) oo uu u Magacaabey Isuduwaha Wasaarada Maaliyadda ee Sh/hoose.
  • Maxamed Abuukar Jacfar(Murusade/Hawiye) Taliyaha Nabadsugida Sh/hoose.
  • Cumar Maxamuud Muuse(Abgaal/Hawiye) Qasnajiga Dowladaha Hoose ee Degmada Afgooye, Ninkaan waxaana lagu wadaa inuu Noqdo Xoghayaha Dowlada Hoose ee Degmada Afgooye.
  • Xasan Maxamuud Xawaad (Xawaadle/Hawiye) waa Maamulaha Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Afgooye.
  •  Maxamed Cabdi Deeq (Abgaal/Hawiye), Qasnajiga Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Afgooye.
  • Maslax Cali Xuseen (Ceyr, HG, Hawiye) Agaasimaha Madaxtooyada KGSoomaaliya ee Magaalada Afgooye.
  • Ciise Xuseen Jeyte (Murusade/Hawiye) Agaasime kuxigeenka Madaxtooyadda  KGS Ee Afgooye.
  • Cali Nuurre Maxamed (Ceyr, HG, Hawiye) Guddoomiye kuxigeenka Amniga ee Gobalka Sh/Hoose, waana shaqsiga kaliye oo heer Gobal ah oo uu Magacaabo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
  • Maxamed Axmed Xasan (Murusade/Hawiye) isuduwaha Wasaaradda Gaadiidka & Garoomada ee Sh/hoose, Jacfarka Nabadsugida ah Abtigiis ayaa dhaley.

 Idale News Online, Afgoye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here