Daawo Qabashadii Madaxii Burcad Madeedka Afweyne oo caalamka aad looga hadal hayo

0
220


Waxaa Hadal Heynta ugu balaaran ee Maalmahan taagan ay tahay Qabashadii Hogaamihii Burcad Badeedka Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) kaasoo lagu qabtey Magaaladda Brussels ee Dalka Belgium waxaana markaad tegtid Goobaha la isugu yimaado aad arkeysaa Dad si weyn ugu doodaya qabashada Afweyne mar aan saakey aniga oo ku sugan mid ka mid ah Baararka waa weyn Magaalada Muqdisho islamarkaana la fidhiyo dad isugu jira Odyaal iyo Dhalinyaro ayaa waxaa noo yimid nin Odey ah oo aad u Careysan waxaana uu markiiba nagu yiri “Walee waa kala Cadaan doontaa mar ay ahaataba Dadkii gacan geliyey Afweyne waana lala Xisbaatami doonaa,waxaana aan Aaminsanahay in Afweyne lacag lagu kala qaatey Madaxiisa” intaa markuu yiri isagoo taagan ayaa waxaa loo Dalbey Kursi nin kale oo Odey ah ayaa waxaa uu yri “Agteeda soo fariiso waan kula qabaa in Afweyne la Shir Qooley “

afweyneBurcadbadeed
Idale News Online