Baydhabo(INO)- Ugu diyaar Garowgii ugu dambeeyey Shirka Madasha wadatashiga qaran ayaa si wen looga dareemey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay,iyadoona maanta Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kormeerey Goobta loo diyaariyey Shirka inuu maalinta Berito ka dhaco.
Ergadda Dowlada Federalka, Soomaaliya Kuwo Maamul goboleedyada dalka iyo kuwo Beesha Caalamka Ee Shirka Ka qiib galaya ayaa intooda badan la faliya inay soo gaaraan Magaalada Baydhabo maalinta berito saacadu markay tahay 9:00 am subaxnimo.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Wariye Muxidiin Xusni Idale News Online, Baydhabo