Daawo: Qaar ka mid xubnaha barlamaanka oo madaxweynaha u jeediyey talooyinka ku aadan magacaabista R/W Cusub

0
193

Waxaa  weli madaxtooyada qaranka ka soconaaya kulamo uu madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh uu la yeelanaayo qaar ka mid ah xubnaha musharaxiinta iyo xildhibaano ka tirsan barlamaanka, kulamadaas ayaa intooda badan ah mid diiradda lagu saaraayo arimaha ku saabsan soo magacaabista Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana la wadaa wadatashiyo xoogan.
Halkaan ka daawo shaqsiyaadka la sheegaayo in ilaa iyo hadda safka hore kaga jiraan

xasanSheekh1
Xildhibaanada u tagey madaxwynaha ayey waxay kula dardaarmeen in xilkaasi loo dhiibo qof aqoon u leh arrimaha gudaha  dalka, isla markaasna aan wax musuqmaasuq hore dalka ka soo galin ama aan ku eedeysnyn,  haddey noqon lahey tii militariga iyo kuwii isaga dambeeyey,  karti iyo awoodna u leh dhameystiro muddada gaaban iyo howlaha xukuumada ee ah in dadka iyo dalka la gaarsiiyo doorsasho xor iyo xalaal ah marka la gaaro sanadka 2016.

Siyaasiin badan magacyadooda ayaa loo gudbiyay si ay u noqdaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana la ogeyn cida arinkaasi ku guuleysan doona

Idale News Online