Daawo: Prof Gaandi “75ta qof oo ku dhintay dagaalkii Kismaayo cidii ka dambeysay Maxkamada dambiyada dagaalka ayaan la tiigsan doonaa waana wadnaa howsheeda”

0
184

Kulan ka dhacey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Xeebta ah ee Kismaayo loogana hadlay xoojinta Amniga magaalada iyo deegaanada Maamulka Jubaland iyo sidii xal waaara loogu helida beelihii dhowaan ku dagaalamey magaalada Kismaayo ayaa lagu qabtey magaaladaasi. Gunaanadkii shirka ayaa waxaa loo saarey gudi isku soo dabarida sidii loo sugi lahaa amaanka deegaanada isla markaasna la iskuguna soo dhaweyn lahaa beelaha walaalaha ah ee wada degan deegaanada labada jubo iyo Gedo. Waxaana gudigaas madax looga dhigey Prof Gaandi oo iyagu looga fadhiyo in ay xog-uruurinta  dagaalkii ay ku dhinteen tiro dad rayid iyo kuwii dagaalamey isugu jira oo kor u dhaafaya  75 qof isla markaasna ay in ka badan 100 qofoodna ay ku dhaawacmeen iyo  ugu dambeyn sidii  beelaha deegaanadaasi ku wada nool ay si wadajir ah isaga kaashan lahaayeen nabada iyo xasiloonida si looga hortago olaad dambe oo laga dhex abuuro.

ProfGaandi

Idale News Online Mogadishu,