Daawo: Nuxurka Ujeeda Safarka RW Ku Xigeenka Dalka U Tagey Baydhabo

0
171

Baydhabo(INO)- R/wasaare Kuxigeenka Dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte iyo Wafdi uu hogaaminayey ayaa waxay maanta safar aan hore loo sii shaacin kaga ambabaxeen Magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxa soo dhaweyn qurux badan loogu sameeyey Garoonka diyaaradaha Baydhabo iyadoo kadibna loo galbiyey gogoshii loo diyaariyey.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wafdigaasi soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyey intii la joogay Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Kulan gaar ah ayaa waxa qaatay R/wasaare Kuxigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyagoo arimo dhowr ah kawada hadlay.

Inkastoo kulankaasi warbaahintu dibad jog ka aheyd ayaa hadana waxaa warar IdaleNews.com heshay ay sheegayaan in la isla soo hadal qaaday qodobadii Shirkii Madasha oo Maxamed Cumar Carte si qayaxan udiiday.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo deegaan ahaan Somaliland kasoo wada jeedaan Maxamed Cumar Carte Wafdigaasina qeyb ka ahaa ayaa saxaafada si kooban ugu sheegay in Arimo shaqo ay uyimaadeen Baydhabo walaw uusan waxyaabo kale ka hadlin.

 

314567