Baydhabo(INO)– Kulan Si weyn loo soo Agaasimey isla markaana lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dambiyada aan la ciqaabin ee ka Dhanka ah suxufiyiinta Aduunka uuna soo qaban qaabiyay Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ) Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta lagu qabtay Hotel Bilan Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.
Munaasabadii xuskaasi oo ahayd mid si qurux badan loo soo Agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay madax ka socotey Ururka NUSOJ, mas’ulliyiin matalaysay, Waxgarada, wakiilo ka socday Idaacadaha Madax Banaan ee Baydhabo.
Furitaankii xuskaasi waxaa khudbad Ka Jeediyey Gudoomiye ku Xigeenka Ururka NUSOJ Cali Ilyaas C/laahi, Wakiilka NUSOJ Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxmed C/casiis Salaad, Wariye Ilyaas Cali oo ka mid Qurbo Joogta Degaanada KGS Ee Dalka UK Iyo Waxgarad isla markaana waxa kullan qiib ka ahaa Madaxa tababarada NUSOJ Mukhtaar Maxamed Catoosh waxayna ku dheeraadeen ayna ka sheekeeyeen taariiqda iyo sida uuu ku yimid xuska maalinta caalamiga ah ee dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta, iyagoo Hoosta ka Xariiqay inay lagama maarmaan tahay sidii caddaalada loo horkeeni lahaa cid kasta oo dambi ka gasha saxafiyiinta Aduunka.
Ugu dambeyntii, Iyadoo saxaafadu ay tahay,halbolaha bulsha kasta ayaa hadane waxaa lagula kacaa wariyaasha soomalida qaar ka mid ah dil, hanjabaad iyo jirdil hada dhibaatooyinka.