Muqdisho(INO)— Musharax xilka Madaxweynaha Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa markii u horeysay faah faahin ka bixiyay heshiiskii Is fahamka Badda ee dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Kenya sanadkii 2009, xilligaasoo uu wax ka saxiixay heshiiskaas, isagoo ahaa Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga.
C/raxmaan C/shakuur ayaa dhinac isaga riixay eedeynta iyo dacaayadaha loogu soo jeediyo heshiiskaas, isagoo wax aan waxba ka jirin ku tilmaamay eedeymahaas.
“Waxaa rabaa inaan wax yar ka dhawaajiyo arrin mar kasta lagu xiriiryo aniga magaceyga dhowr jeer oo hore waa ka hadlay, waxaa jira Wax la yiraahdo mas’uuliyad wadareed, xisaabta nooguma jirto, dowlad marka ay timaado waxaa jira Mas’uuliyad wadareed, waxaa rabaa inaan si kooban u sheego arrintaas iyo sida ay u dhacday”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Musharax C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in xilligii Xukuumaddii uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ee loo hadlay shirkii Golaha Wasiiradda arrinta labada dowladeed ee Kenya iyo Soomaaliya ee ku aadan muranka Badda uu isaga ka maqnaa dalka, isla markaana aanu xilligaas ku sugneyn magaalada Muqdisho, waxaa uu tilmaamay inuu howlo shaqo ugu maqnaa dalka Botswana.
“Markii dowladda Kenya nagu qabsatay arrintaas, nasiib wanaag aniga ma joogin magaalada, waxaa jeclaan lahaa, 38 wasiir joogay waqtigaas waa la weydiin karaa, marka laga reebo 4 Wasiir oo dhintay, Madaxweynaha xilligaas Sheekh Shariif waa nool yahay iyo Cumar Cabdirashiid oo hada Ra’iisul Wasaare, Golaha wasiirada ayaga fariistay inay qaataan arrinta ah, anaga iyo Kenya aan is faham ka gaarno arrinta Badda, aniga safar ayaa ku jiray oo Botswana ayaa shir uga qeyb galayay, heshiiska ha ahaado is afgarad ama mid rasmi ah, waxaa ku shaqo leh Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xilligaas uu ahaa Maxamed C/llaahi Oomaar, aniga oo ahaa Wasiirka Qorsheynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyadaas i xil saaray, marka dowladda Hadda jirta waxay ka faa’ideysatay go’aankii aan xilligaas gaarnay, maantana waxay joogtaa Maxkamad caalami ah”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Mr C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in aan loo baahneyn dacaayad, xagudub iyo in dadka la masabito, isla markaana la sheego waxyaabo aan jirin, isagoo mar kale sheegay in arrintaas aan si gaar ah magaciisa loogu nisbeyn karin, sida uu hadalka u dhigay.
Halkan Ka Daawo Video
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay