New-York ( INO)-Hay’adda Caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa ku baaqday in la ixtiraamo xuquuqda ay leeyihiin Caruurta Soomaaliyeed kadib markii dowladda Somalia ay saxiixday heshiiska caalamiga ah xuquuqda caruurta sanadkii 2015.
Wakiilka hay’adda UNICEF ee Somalia Jeremy Hopkins ayaa xusay in dhowrida xuquuqda caruurta Soomaaliyeed ay tahay mid muhiim ah isagoo intaas ku daray in caruurta sida gaarka ah loo tixgelinayo ay tahay kuwa ku nool xerooyinka Barakacayaasha iyo kuwa ka soo jeedo qoysaska la hayb sooco.
“waxaan ugu baaqaya qof kasta oo daneeya Mustaqbalka Soomaaliya ha ahaadaan dowladaha caalamaka,deeq bixiyayaasha,Ururada Bulshada Rayidka ah,hogaamiyayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada in ay sii wadaan dadaalo lagu samata bixinayo Caruurta nugul ee Somalia si ay nolol fiican ugu gaaraan muqstabalka sidaas waxaa yiri mr Hopkins madaxa hay’adda UNICEF ee Somalia oo war qoraal ah ka soo saaray Magaalada Muqdisho.
Warbixin dhawaan ay hay’adda UNICEF ka soo saartay caruurta adduunka ayaa waxaa caruurta Soomaaliyeed ay ka soo galeen meelaha ugu liito iyadoo hay’addu ay sheegtay in caruur badan oo ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha ay u dhiman doonaan abaaro,faqri ilaa sanadka 2030ka.
Xiriiriyaha arrimaha Gargaarka Qaramada Midoobay ee Somalia Peter de Clerk ayaa sheegay in caruurta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in ay aadaan dugsiyada Waxbarasho,helaan Caafimaad,Biyo Nadiif ah iyo in aanan loo gaysan xadgudub islamarkaana aysan ku biirin kooxaha hubeysan.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay