Baydhabo(INO)- Iyadoo xusul duub weyn loogu jiro helitaanka kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee sanadkan 2016 ayaa Mudane Mustafe Macalin Isaaq (Mustaf Garabey) oo ka mid ah Musharaxiinta doonaya inay ka mid noqdaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee bedelaya kan hadda shaqeeya ayaa si rasmi ah uga dhawaaqay Magaalada Baydhabo inuu yahay murashax u taagan xilkaas.
Musharax Mustafe Garabey ayaa shirar kala duwan la qaatay Nabadoonada, Malaaqyada, Culimaa’udiinka, ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Ee Beeshiisa waxaana uu ka Codsadey inay u hiiliyaan Maalinta Codbixinta.
“Haddii aad ii Xulataan inaan wakiil idinkaga noqdo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 2016 Waxaan ka fekiri doona Horumarkiina, waxaana aan idiin ballan qaadaya inaan wax badan ka qaban doono baahiyiinna kala duwan ee aasaaska u ah nolosha dadka iyo deegaanka” ayuu yiri Mustafe Garabey.
Musharxa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yihiin dhul taariikh fog oo eebbe ku maneystay kheyraad kala duwan, waxa uu xusay in hadii uu booskaaasi ku guuleysto uu xoogga saari doono sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada ee dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada kana shaqayn doono sidii wax badan looga bedeli lahaa Siyaasada Dalka Soomaaliya gaar ahaan Amaanka, Dhaqaalaha, iyo adeegyada kale ee Bulshadda asagoo cadeeyay inuu yahay xildhibaan matalya Gobolka Bay Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhinaca kale odayaashii iyo waxgardkii uu la kulmey musharaxa ayaa sheegeen inay taageersanahiin Musharaxnimada mudane Mustafe Garabey inuu u matalo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya dhammaadka Sannadkan ayagoo sheegay inay aqbaleen codsigiisa.
Odayaasha iyo waxgaradka Beesha musharaxa ayaa sheegeen in uu mudane Mudane Mustafe Garabey yahay nin dhalanyaro ah isla markaana booskaasi kasoo bixi karo, wax badana kusoo kordhinaya dadka iyo deegaanka iyadoo qaar badan oo waxgaradkaa ka mid ah ay sheegeen haddii ay ka mid noqdaan Ergada 51-da ee wax Dooraneysa Codkooda ay siin doonaan mudane Mustafe Garabey.
Ugu dambeyntii, Siyaasigan Da’ada yar waa ma’suul xilal ka duwan kasoo Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hay’ado , waaana aqoonyahan heerkiisa waxbarasho uu aad u sareeyo , waayo arag siyaasadeed ah in badan ku soo jiray siyaasada KG soomaaliya saaxibo badana ku dhex leh islamarkaana siweyn looga yaqaan deegaanada KGS.