Addis(INO)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulan gaar ah magaalada Addis Ababa Ee Xarunta Dalka Itoobiya kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn iyo Wasiirka Arimaha Dibadda itoobiya Mr.Tedros adhanom
Labada hoggaamiye ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada waddan iyo arrimo kale oo gobolka ku saabsan.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulankaasi waxaa uu uga mahadceliyey dowladda Ethiopia doorka ay ka qaadaneyso nabadeynta Guud ahaan Soomaaliya Gaar ahaan Gobolada KG Soomaaliya iyo sidii amniga gobolka loo sugi lahaa.
Ra’siiul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn ayaa isna mar kale uga mahadceliyey Booqasha Wefdi KG Soomaaliya ay ku yimaadeen Dalka Itooboiya, isagoo dhanka kalena ku amaaney dowlada Curdunka ah Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto xasliinta Degaanada KG Soomaaliya iyo Guud ahaan taagyeerida Geeda Socodka Nababada Soomaaliya.
Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimah dalka Itoobiya Tedros adhanom iyo mas’uuliyiin kale oo soctey, Urur Goboleedka IGAD.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Sidoo kale ka wada hadlay sidii loo dardar’galin lahaa how’galada ay sida wada jirka ah uga wadaan ciidamada dowlda Somaaliya oo kaashanaya ciidamada dalka Itoobiya qaybo ka mid ah Gobolada Soomaaliya, Gaar ahaan 3 Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’iisul Haile Mariam Desalegn ayaa isla gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa calaaqaadka labada wadan, ayna ka wada shaqeeyaan mashruucyo fududaynaya wax soo’saarka labda shacab Ee Itoobiya iyo KGS, sida dhismaha wadooyinka iyo biya galinta Degaanada KGS.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Addis Ababa, Itoobiya