Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa ka amba baxeen Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sii jeeda Magaalada Abuja ee Xarunta Wadanka Nigeria.
Wefdiga Madaxweynaha oo ku hakaday Magaalada Naiorbi, ayaa waxaa saacadaha soo socdo lagu wadaa inay halkaasi kaga sii gudbaan dalka Nigeria.
Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Abuja uu kaga qaybgalo caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Nigeria, Muhammadu Buhari, kaasoo doorashada ku guuleystay daba yaaqada bishii March.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid noqday tiro ka mid ah Madaxda Wadamada Afrika, oo Madaxweynaha Nigeria uu ku soo casuumay caleemo saarkiisa.
Madaxweyne Xasan, ayaa lagu xusuustaa in si diiran uu u soo dhaweeyay guusha uu gaaray Madaxweyne Buhari, iyadoo uu doorashada kaga adkaaday Madaxweynihii hore Nigeria, Goodluck Jonathan.
Somaliya iyo Nigeria, ayaa ka wada siman dagaalo ay kula jiraan Ururo Islaami ah, oo dunida looga aqoonsan yahay kuwo argagaxiso, khatarna ku ah nolosha bulshada.
Idale News Online, Muqdisho