Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh iyo Qaar ka mid ah Gollahiisa Wasiiradda ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmey Danjiraha Dowlada Mareykanka u Fadhiya Dalka Soomaaliya.
kulanka ayaa looga hadley Hiigsiga Sanadka 2016, Arimaha Amaanka, La Dagaalanka Ururka Al-shabaab iyo Arimaha Bini’aadanimada iyo weliba Guud ahaan Geeda Socodka Nabada Soomaaliya. iydoona ay isku afgartey dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen.
Dowlada Mareykanka waxay ka mid tahay dowladaha Daniiya Arimaha Soomaaliya Isla markaana waxay Kaalmo dhaqaale ay Siisa Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.
Idale News Online, Muqdisho