Daawo: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ka Codsaday Itoobiya Taageero Milateri

0
234

Addis(INO)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya booqashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku tagay todobaadkan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo dhinacyada ka wada hadleen xogaha dhanka amaanka ah.

Wefdiga Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo kulan la qaatey Wasiirka Arimaha Dibada itoobiya Mr. Tedros, ayaa looga hadley arimo badan oo khuseeya KG Soomaaliya iyo Dowlada Itoobiya iyo weliba Doorashada Soomaaliya 2016.

Safarka Madaxweynaha KGS  ayaa La Sheegey  inuu codsadey sidii  Al-Shabaab looga saari lahaa gobalada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayna dawladda Itoobiya qeyb wanaagsan uga qaadan lahayd.

Itoobiya ayaa balan qaad tababaro iyo dagaal ay ka gasho gobalka Bakool u ogolaatay Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxa ayna mar kasta Itoobiya ka dagaalami doonta xadka udhaxeeya gobalka Bakool iyo dalkeeda.

Ugu dambeyntii, Dhan kale Wefdiga koonfur galbeed soomaaliya oo booqanaya dalka kenya ayaa lafiyaa in ay kulumo la qaataan, madaxda dalka kenya, iyo Deeq bixiyaasha caalamiga ee ku sugan magaalada Nairobi.

Idale News Online, Addis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here