Galkcyo(INO)-Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas & Hogaamiyaha Madaxweynaha Galmudug ayaa si wada jira uga hadlay xaalada Magaalada gaalkacyo & nabadaynteeda waxaana ay sheegeen in si wada jira ay u doonayaan nabadaynta Gaalkacyo & Amba qaadka dadaalka ay wadaan Wafuuda Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Jubbaland & Koonfur galbeed.
Madaxweynaha Galmudug oo marti loogu ahaa Hotel Five Star ayaa ka hadlay nabadaynta waxaana uu sheegay in madaxwaynaha Puntland uu uga mahadcelinayo nabadaynta & isdhexgalkii inuu ogolaaday.
”Waxaan balanqaadaynaa inaan nabada si wada jira uga ” Ayuu yiri Madaxweyen Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Reer Puntland ay doonayaan nabad waxaana intaas uu raacshay in wada hadalkaan uu yahay mid nabada lagu amba qaadayo.
”Uma baahnin in cid dambe oo reer Gaalkacyo ah dhimato uma baahnin colaad waxaanan doonaynaa inaan kawada shaqayno nabada & Hurumarka Gobolka Mudug waxaana diyaar u ahay inaan wada shaqayno aniga & madaxwwayne Cabdikariin” Ayuu Yiri Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.