Muqdisho ( INO)-Ciidamo kuwa dowladda Federaalka ah oo uu uga socday Tababar Xerada Jasiira ee duleedka Muqdisho ayaa maanta sameeyay gadood.
Sida ay noo xaqiijiyeen gaadiidleyda ka howlgala wadada aada deegaanka Jasiira Ciidamada ayaa dhagxaan ku xiray wadada islamarkaana dhagxeynayay gaadiidka iaga kala gooshi jiray wadadaasi.
Askartaan ayaa ka gadoodsan Gunno la’aan ay sheegeen in ay daashatay ,xilli muddo bilo ah ay ku jireen Tababar Ciidan.
Mid ka mid ah Gaadiidleyda ka howlgala wadada Jasiira oo Shabelle u warramay ayaa sheegay in shaqadooda ay maanta hakad ku jirto kadib markii Ciidamada gadoodsan ay xirteen wadadaasi.
Dhawaan warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya aysan helin Mushaaraad taas oo keentay in Ciidamada ay sameystaan Isbaarooyin iyo falal kale oo waxyeello u geysata rayidka.
Ma jiro wax war ah oo ay soo saareen Saraakiisha Milatariga Soomaaliyeed ee ay kaga hadlayaan Ciidamadaan gadoodsan.
Idale News Online, Muqdisho