Baydhabo(INO)-Maamulka Gobolka Gobolka Bay,ayaa tacsiyo tiiraayo leh u direy, ehladii iyo qaraabadii uu baxey Sheekh Aadan Wariish oo xaley kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, taasoo si weyn ay ugu caroodeen shacabka Magaalada Baydhabo.
Gudoomiye Ku xigeenka Dhanka Maaliyada Degmada Baydhabo Maxamed Isxaaq Ibraahim (Eng,Oflow), ayaa sheegey in si weyn ay cambaareynayaan falka dilka ah ee loo geystey imaamka Masjidka Carabta Ee Bartamaha magaalada Baydhabo, sidoo kalena waxa uu tacsiyo u direy eheladi uu ka baxay marxuum Sheekh Aadan Wariisho.
Dhanka kale Maxamed Isxaaq Ibraahim waxa uu carabka u dhuftey in maamulka degmada Baydhabo iyo ciidmada Amaanka magaalada Baydhabo ay ku raadjoogaan cidii ka dambeysay dilka Sheekh Aadan , isla markaana waxa uu ku nuxnuxsadey in hadii ay soo qabtaan ay horkeeni doonaan cadaalada.
Ugu Dambeyntii Magaalada Baydhabo ayaa Lagu diley 3 ka mid ah culumaa’udiinka ugu caansan Degaanada koonfur galbeed soomaaliya, kuwaasoo Dilkooda ay fuliyeen Xaasaska Al-shabab ee haraaga ku ah magaalada Baydhabo kuwasoo Tababararo qarsoodi ah ka soo qaatey dhulka Dooy Ee Harar iyo inta u dhaxeyso Buuraha Dhuur iyo Qalin ee Gobolka Bay.
Halkan Ka Daawo