Daawo: Maamulka Gobolka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo Oo Dhagax Dhigay Wado Dib Loo Dhisayo

0
261

Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa Magaalaada  Cabdullaahi Cali Watiin iyo Gudoomiyaha Gobolka Bay Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed (LFC) ayaa waxa ay maanta dhagax dhigeen wado dhererkeedu yahay 500 meter, oo dhex marto  xaafadada Isaha Ee Magaalada Baydhabo.

Mashruuca dib loogu dhisayo wadada ayaa waxaa maalgelisay Dowlada UK ayada oo ay shirkad maxali ahna dhisayso sidoo kale iskaashatada gaadiidka degmada Baydhabo ayaa waxa ay balan qaadeen inay dhismaha wadada ka geysan doonaan intii karaankooda ah ayaga oo gaar ahaan ka qayb qaadanayo soo daabulida carada iyo dhagxaanta wadada lagu dhisayo, waxaana wadadani laga dhigayaa laami oo ay markeedii horeba ahaan jirtay.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha degmada Baydhaba ayaa waxa uu xooga saaray tan iyo markii la magaabay wax ka qabashada arimaha bulshada isaga oo kaashanaya bulshada magaalada Baydhaba, gudoomiyayaasha xaafadaha, ganacsatada iyo maamulka gobolka Bay.

Halkan Ka Daawo

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here