Baydhabo(INO)- Kulan lagu taageerayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan ahna Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxtinimada Dalka Somalia Ee Sanadkan Ayaa Ka Dhacey Xarunta Degmada Baydhabbo.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galey ku simaha Madaxweynaha KGS ahna Wasiirka Beeraha ,labada gollee ee golaha Wasiirada iyo golaha Barlamanka KGS Taliyaha Ciidanka Booliska KGS, Maamulka Gobolka Bay ,Maamulka Degmada Baydhabo iyo Bulsha weynta ku nool magaalada Baydhabo.
Kulankaas ayaa waxaa ka hadlay Wasiiro iyo Xildhibaano iyo Weliba Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo Mudane Cabdullahi Cali Watiin ayaa sheegay inta ay jirto Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya waxaa lagaaray Horumar aad u balaaran oo la taaban karo sida dhismooyinka Wasaarahada, wadooyinka, xaruumaha caafimaadka iyo waxbarshada.
Ugu dambeyntii, Kullanka ayaa lagu Sheegey in Dowlada KGS ay xooga saartey sidii loo sugi lahaa guud ahaan amniga KGS, tabarada ciidan ay leedahay KGS kuwaaso manta ku howlan adkeynta Amniga.