Daawo: Hillary Clinton oo si deg deg uga baxday xaflad ka socotay New York

0
169

New Yortk(INO)- Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa Axadii si deg deg ah uga baxday xaflad ka socotay Magaalada New York, oo xusaayay weerarkii September 11, ka dib xaalad caafimaad oo la soo deristay.

Dadka kala shaqeeya ololaheeda jegada madaxtinimada Mareykanka, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo caawinaaya, isla-markaana saaraaya gaarigeeda.

Muuqaalo la soo geliyay Internet-ka, ayaa muujinaaya ruugeeda oo laabmay iyo dadka la shaqeeya oo garbaha qabanaaya.

Afhayeen u hadlay haweeneydan, ayaa waxaa uu sheegay in tani ay ka dhalatay kuleyl ay dareentay, intii ay munaasabadaasi joogtay.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu ka walwalsan yahay xaaladda caafimaadeed ee haweeneyda la tartamaysa.

Hillary Clinton, ayaa kolkii dambe waxay ka soo baxday guriga ay Magaalada New York ka degan tahay gabadheeda, waxayna la hadashay Warbaahinta.

Haweeneydan, ayaa Wariye-yaasha u sheegtay in caafimaadkeedu uu wanaagsan yahay, iyadoona ka gaabsatay in faah faahin intaasi ka badan u sheegto Saxaafadda.

hillary6 hillary7 hillary8 hillary9 hillary91 hillary92 hillary93 hillary94 hillary95

U.S. Democratic presidential candidate Hillary Clinton leaves her daughter Chelsea's home in New York, New York, United States September 11, 2016, after Clinton left ceremonies commemorating the 15th anniversary of the September 11 attacks feeling "overheated." REUTERS/Brian Snyder - RTSN8YJ

hillary97 hillary98 hillary99 hillary991 hillary992