Baydhabo(INO)-Hay’ada CPHR Bakool oo ah hay’ad ka shaqaysa arimaha Xaquuqda Aadanaha iyo Caawinta dadka Masaakiinta ah Ee Ku Dhaqan Goboladda KGS ayaa maanta magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, deeq dhar ah ugu qaybisay 30 Caruur ah oo kamid ah dadka Degan kaamamka kuyaalla magaalada Baydhabo isla markaana Ka Shaqeysta Baalushka Kabaha,iyagoona farxad Laga dareemaayey Wajiyadooda.
Hay’addan oo ah hay’ad tan iyo sandkii 2002 ka Shaqeyneysey Guud ahaan Goboladda KG Soomaaliya isla markaana waxa aas aasey Dhalanyaro reer KGS ah, waxeyna marka ay qaybiyeen deeqda dharka ah ka dib hadlay Xasan Macalin Yuusuf (Xasan Black), oo ah gudoomiyaha hay’ada CPHR BAKOOL wuxu sheegay inay dharkan ugu tala galeen caruurta ayna sii wadi doonaan Caawinta dadka barakacayaasha ah, iyagoo sigaara ah u eegaya Xaquuqada caruurt, ka hortaga Askareyntooda, tacdiyadda ka dhan ka ah ee Caruurta loogeysto iyo weliba Hooyooyinka ee Goboladda KG Soomaaliya .
Xasan Black, Gudoomiyaha Hay’da CPHR BAKOOL Ayaa intaasi ku daray in Bulshadda KGS ay dareenkooda u soo jeediyaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka reer KGS ee aan waxba haysan .
Qaar ka mid Ah waalidiintii caruurtooda la siiyey deeqda dharka ah ayaa u mahadceliyay hay’ada CPHR BAKOOL, waxana ay sidoo kale ugu baaqeen dadka KGS inay Caawiyaan dadka barakacayaasha ah ee ku rafaadsan degaano ka tirsan Goboladda KGS.
Si kastaba ha haatee, Hay’ada CPHR BAKOOL waxa asaasay Dhalanyaro KGS ah kuwaasi oo kusugan Gudaha Dalka, waxana ay isku xilqaameen sida ay shegeen masuuliyiinteedu ay tahay Taagyeerida Caruurta danyarta ah iyo u doodida Xaquuqada Insaanka.
Ugu dambeyntii, tan iyo markii ay burburtey Dowladii dhexe ee soomaaliya, ma jirin daryeel dhab ah oo la siyey caruurta soomaaliyeed kuwaaso, soo wajahdey, dhibtaado nooco kala gedisan, sida waxbarasho la’aan,isla markaana qaar ka mid ah loo adeegsadey, Colaada Sokeeya ee Soomaaliya, Sidoo kalena hay’do iyo ururada Maxaliga ah ee u dooda Xaquuqada curuurta in badan ay soo saareen tacdiyo badan oo lagula kaco caruurta soomaaliyeed.
Idale News Online, Baydhabo