Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha Degmad Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay C/laahi Cali Watiin iyo Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Digniin adag u jeediyeen Milkiiliyaasha Hoteelkada Magaalada Baydhabo, kuwaaso looga digey in aysan laga qaban karin Shirar Siyaasad lid ku ah Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
” Milkiiliyaasha Hoteelada Baydhabo waxaa u sheegeynaa in aan laga qaban karin shir aysan ogeyn Maaamulka Degmada iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose, cidii dooneyso inay shir qabsato, waa in warqad ka soo goostada Maamulka, ciidii aan sidaas sameynin, waxaa laga qaadayaa Tilaabo Sharciga Waafuqsan” ayuu yiri Gudoomiye Watiin.
Dhan kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya General Ibraahim Macalin Kutub ayaa isna ugu digey Ciidamada Xiliyada Habeenka Dhex wareega Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, kuwaasoo xilliyada qaad aysan wadanin Dareeeska Ciidanka.
” Lama ogolo Askari bilaa darees ah oo dhex mushaaxayo Magaalada, askarta waa in ay ku ekaadaan xeryahooda si loo sugo amaanka Magaalada” ayuu yiri Taliyaha.
Halkan Ka Daaawo
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
emaiL:baashaa@www.idalenews.com