Daawo: AMISOM Oo Gargaar Gaarsisey Degmada Diinsoor Ee Gobolka Bay

0
289

Diinsoor(INO) — Howlgalka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa dalbaday gargaaro bani’aadamnimo oo dheeraad ah si loo caawiyo dadka dib ugu soo laabanaya deegaannadii laga saaray Al-shabaab.

Jen. James Nakibus Lakara oo ah madaxa xafiiska kaalmada ee AMISOM ayaa sheegay in gar-gaar deg-deg ah ay ay u baahan yihiin shacabka kusoo laabanaya goobihii laga saaray Al-shabaab si ay dib ugu soo laabato noloshii caadiga ahayd.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan cadeeyo in dadka deegaannadii laga saaray Al-shabaab ay AMISOM kaalmeysay. innagoo filayna in mustaqbalka dhow ay si iskood ah u maareeyaan noloshooda oo ay ka maarmaan kaalmooyinka AMISOM. Si yoolkaas loo xaqiijinayna waa in laga shaqeeyo si loo xaqiijiyo hay’adaha amniga, si ay AMISOM uga maarmaan,” ayuu yiri Jen. Lakara kaddib kaalmo raashin iyo agabyo kale ahaa oo AMISOM ay ka qaybisay degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Sidoo kale, taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ayaa isagana sheegay inay Somalia u baahan tahay in dib loogu dhiso kaabanayaasha bulshada, Wuxuuna Beesha Caalamka ka dalbaday in ay kordhiyaan kaalmooyinka ay ku caawinayaan Soomaalida si loo xaqiijiyo deggenaashaheeda.

Ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan oo ka kala socda dalalka Kenya, Uganda, Itoobiya, Burundi iyo Jabuuti ayaa horay deegaanno badan uga saaray Al-shabaab, iyadoo AMISOM ay dalbanayso kaalmo dheeraad ah oo dadka loogu sameeyo dib dajin.

Jen. James Lakara ayaa isaguna xusay in AMISOM ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan shacabka ku nool degmada Diinsoor si dib loogu soo celiyo nabad-galyada iyo ammaanka deegaankooda. Isagoo sheegay in haddii la iskaashado wax laga bedeli karo dalka oo dhan.

Madaxa xafiiska madaniga ciidanka AMISOM, Christopher Ogwang oo wehlinayay Jen. Lakara ayaa isagana sheegay in howlgalka ciidamadooda ay qayb ka tahay in la caawiyo shacabka ku nool deegaannada laga saaray Al-shabaab. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in deegaannadaas ay ka maqan yihiin kaabayaashii bulshada, taasoo loo baahan yahay in laga si dhaqso ah looga hirgeliyo deegaannadii laga saaray Al-shabaab.

“Waajibaadyadeena waxaa ka mid ah inaan dib u dhis ku sameyno kaabayaasha bulshada ee lagama maarmaanka u ah nolosha aadanaha, sida isbitaalada, iskuullada iyo saldhigyada booliiska,” ayuu yiri Ogwang. Isagoo hadalkiisa raaciyay inay la shaqeynayaan maamulka degmooyinka iyo odayaasha bulshada si loo xoojiyo nolosha bulshada.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Diinsoor, Ibraahim Maxamed Nuur oo isagana ka hadlay munaasabada ayaa amaanay howsha ay ciidamada AMISOM degmada ka qabteen. Isagoo yiri. “Waxaan ku faraxsan-nahay kaalmada ay AMISOM, Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka Somalia ku caawiyeen shacabka degmada Diinsoor. Dadka degmada ku nool way ku kalsoon yihiin howsha ay AMISOM degmada ka hayaan, waxayna diyaar u yihiin inay ciidamada la shaqeeyaan si Al-shbaaab looga difaaco.”

Shacabka Diinsoor ayaa waxay AMISOM u qaybiyay kaalmo raashin ah ay ka koobnayd; 2,260-kg oo Bariish ah, 2.150-kg oo Sokor ah, 1,700-km oo ah Qamadi, 80-kg oo cusbo ah, 1,000-Ltr oo saliidda raashinka lagu karsado ah iyo 1,000 xabo oo maryaha kaneecada laga hoos-galo ah.

Ugu dambeyn, deeqdan ayaa qayb ka ah dadaalada ay ciidanka AMISOM ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannadii dhawaantan laga saaray Al-shabaab.

Idale News Online, Diinsoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here