Baydhabo(INO)- Gollaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta shir deg deg ah ku qabtey xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aden Iyadoona Maanta Shirkaas uu Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaram Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir Iyo Wefdi Uu Hogaaminaaayo ay Qiib ka ahaayeen shirkaas.
Shirkan o looga tashanayo dib u habeynta garsoorka KG Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray qodobbo ay ka mid yihiin qaab-dhismeedka dastuurka iyo sida uu ula shaqeeyo garsoorka, xeerarka iyo nidaamyadii sharci ee uu dalku lahaan jiray dagaallada ka hor.
Waxaa Gollaha Wasiiradda Koonfur Galbeed Soomaaliya loo qeybiyay nuqulka sharciga Adeega Garsoorka, Ayadoo wasiirada ay si qota dheer ah ugu dooden Adeega Garsoorka Koonfur Galbeed soomaaliya.
Shirka Gollaaha wasiirada ayaa Falanqeyn Dheer ka dib waxa lagu ansaxiyay Sharciga adeega Garsoorka ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirkan Oo Diirada Lagu saarayey Ka hadalka ayaaha Adeega Garsoorka Dowlada KG Soomaaliya Ayaa ahmiyad Gaar ah waxa uu leeyahay Bulshada KGS, iyadoona Guud ahaan aysan Jirin Gorsoor Lagu kalsoon yahay Dalka Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo